Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlada Iiraan Oo U Hanjabtay Israa’iil

focus

Dowlada Iiraan Oo U Hanjabtay Israa’iil

(SLT-Iran)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Iiraan ayaa sheegay in Israel ay ka qoomamayn doonto xadgudubyada ka dhanka ah dalalka Suuriya iyo Lubnaan.

La-taliyaha dhanka arrimaha dibadda ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaatulaahi Cali Khumeyni, Mr Cali Akbar Velayati ayaa sheegay in xukuumada Tel Aviv ay heli doonto jawaab bixin ka dhan ah tacadiyada dalalkaan.

Mr Cali oo wareysi siinayay Tv-ga Russia Today ayaa intaa ku daray ha dhowaato ama ha dheerato Israel ay ka qoomamayn doonto duqeymaha ay ka wado dalka Suuriya.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in Israel ayna awood u laheyn in ay sii wado dhibaatada ay ka geysaneyso bariga Dhexe.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top