Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Komishanka Doorashooyinka

focus

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Komishanka Doorashooyinka

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan.

Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top