Connect with us

somalilandtoday.com

Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Amray In La Xidho Akoonada Shirkadaha Forex Trading

focus

Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Amray In La Xidho Akoonada Shirkadaha Forex Trading

(SLT-Muqdisho)-Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Amar Akoonada looga xidhayo Shirkadaha Forex Trading ee shaqeeya gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryam Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu amray inay xidhaan dhammaan Xisaabaadka Ganacsatada Iibisa lacagaha qalaad ee Suuqyada Caalamka ee Forex Trading.

Sidoo kale Qoraalka Maamulka Bangiga dhexe ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu faray inay fuliyaan amarka kasoo baxay Bangiga dhexe ee dalka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top