Connect with us

somalilandtoday.com

Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga + Laamaha Amniga Dowlad Deeganada Soomaalida Itoobiya Oo Ka Hadlay

focus

Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga + Laamaha Amniga Dowlad Deeganada Soomaalida Itoobiya Oo Ka Hadlay

(SLT-Jigjiga)-Laamaha amniga dowlad deeganada Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay kumanaan qof oo saaka Dibad-bax rabshado watay ka dhigay gudaha Magaalada Jigjiga.

Kumanaan Qof ayaa iskugu baxay badhtamaha Jigjiga, kuwaasi oo ka cadheysnaa ficilada lagu gubay saddex Masaajid oo ku yaalla Gobolka Amxaarada ee Waddanka Itoobiya.

Taliyaha Ciidanka amniga dowlad deegaanka Cabdicaadil Xasan Cabdi oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Jigjiga ayaa waxaa uu sheegay in banaanbixii saaka ka dhacay Magaalada uu ahaa mid nabad ah oo kusoo dhammaaday si degan.

Sidoo kale Taliye Cabdicaadil ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ka horteegeen dad isku dayay inay gubaan labada Kiniisadood ee ku yaalla Jigjiga, isla markaana ay waxyeelo u geystaan goobaha ganacsiga.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdicaadil Xasan Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay dadkaas ay Ciidanka ay u adeegsadeen rasaas ay kor u ridayeen iyo Sunta dadka ka Ilmeysiisa, isagoona xusay in hal qof uu ku dhintay, halka laba qof kalena dhaawac u soo gaadhay.

Si kastana Ugu yaraan saddex masjid ayaa dhawaan waxaa lagu weerararay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, waxaana Bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacay qulqulatooyin diin lala xidhiidhiyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top