Connect with us

somalilandtoday.com

Suuriya Oo Soo Ridday Gantaallo Ay Kusoo Weerartay Israa’iil

focus

Suuriya Oo Soo Ridday Gantaallo Ay Kusoo Weerartay Israa’iil

(SLT-Dimishiq)-Habka difaaca hawada ee Syria ayaa ka hor-tagay gantaallo ay kusoo weerartay Israel, islamarkaana soo riday mid ka mid ah oo ku dhacay duleedka magaalada Dimishiq, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Syria, Sana.

“Gantaallada cadowga ayaa ka yimid dhulalka la haysto,” waxaa sidaas tidhi Sana oo ula jeeda Israel, waxaana ay intaas ku dartay in gantaal lagu soo riday xaafadda Aqraba ee duleedka koonfur bari ee Dimishiq.

Afhayeenka ciidamada Israel oo ay la xidhiidhay wakaaladda wararka AFP ayaa diidday inay ka jawaabto hadalka warbaahinta Syria.

Kooxda la-socodka arrimaha xuquuqda aadanaha Syria ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in saddex qarax laga maqlay duleedka Dimishiq kadib markii gantaallada lala beegsaday “goobaha taliska Syria iyo Iran”.

Waxay intaas ku dartay in ugu yaraan laba ka mid ah gantaalladaas ay ku dhaceen agagaargka Aqraba.

Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay in baabuurta gurmadka deg degga ay kusii wajahnaayeen goobta gantaallada ay ku dhaceen.

Tan iyo markii uu dagaalka Syria billowday sanaddii 2011, milatariga Israel ayaa boqolaal duqeymo ka fuliyey dhulka Syria, ayaga oo beegsanaya bartilmaameedyo Iran ah iyo maleeshiyo taageerta Tehran oo xulufo la ah taliska madaxweyne Bashar al-Assad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top