Connect with us

somalilandtoday.com

Suldaan Wabar Oo Digniin Culus Soo Saaray, Kuna Hanjabay In Uu Afduuban Doono Mas’uuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi

focus

Suldaan Wabar Oo Digniin Culus Soo Saaray, Kuna Hanjabay In Uu Afduuban Doono Mas’uuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi

(SLT-Boorama)-Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo hogaamiya Jabhad si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa uu si adag uga hadlay xadhigii ay dhowaan Xukuumada Biixi kula kacday Suldaan Abshir Maxamed Ducaale.

Suldaan Abubakar Wabar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga Suldaan Abshir, kaasi oo hadda muddo toddobo cisho ka badan u xidhan Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, isagoona xusay in Suldaankaasi xabsiga loo dhigay kadib markii uu ka damqaday macdanta gobolkaasi laga guranayo.

Wabar ayaa xadhiga Suldaan Abshir ku micneeyay mid gardaro ah oo la iska xidhay Suldaanka isagoona wax gaf ah aan galin, isla markaana laga dhago adeygay bulshada iyo salaadiintii kale ee isku deyday inay soo deyso Suldaankaasi.

Suldaan Abubakar Wabar oo luuqad adag kula hadlayey xukuumada Muuse Biixi, ayaa waxa uu muddo dhan saddex cisho u qabtay in Suldaan Abshir xorriyadiisa dib loogu soo celiyo, haddii kale ay ciidamadiisu ay soo xidhi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Biixi oo u dhigma Suldaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan leeyahay Nimanka xidhayow Saddex cisho gudahood hadaad ku soo deyn waydaan, aniguna waxaan amrayaa in rag la xidho oo u dhigma Suldaankaasi, hadaad soo deyn waydaan Suldaanka” ayuu yidhi Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar.

Xadhiga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale ayaa dhowaan waxa uu magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka dhaliyay xiisad hor leh, iyadoona bulshada reer Boorama ay qaarkood dhigeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan xadhiga Suldaanka, iyadoo banaan-baxaasina lagu dhaawacay hal qof oo wiil dhalinyaro ahaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top