Connect with us

somalilandtoday.com

Pakistan Oo Xaqiijisay In Ayna Ka Qeyb-gali Doonin Shir Madaxeedka Muslimiinta Ee Ka Dhacaya Malaysia

focus

Pakistan Oo Xaqiijisay In Ayna Ka Qeyb-gali Doonin Shir Madaxeedka Muslimiinta Ee Ka Dhacaya Malaysia

(SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan ayaa iskaga baxday shirka caalamiga ah ee hogaamiyeyaasha Muslimiinta ee ka dhacaya dalka Malaysia.

Wasiirka arrimaha dibadda Mr Shah Maxamuud Qureyshi ayaa sheegay in sababaha ay uga baxeen shirka ay la xidhiidho walaac ay ka qabaan kala qeybinta Muslimiinta.

Waddamada Imaaraadka iyo Sacuudiga oo xulafo la ah Pakistan ayaa cabsi uga muujiyay ka qeybgalka xukuumada Islamabad ee shirka ka dhacaya magaalada Kuala Lumpur.

Ra’isul wasaaraha Malaysia Mahathir Mohamad oo dalkiisa marti galinayo shirka ayaa maalin ka hor sheegay in cadaalad-darro ay tahay cunaqabateynta Mareykanka saaray Iiraan.

Mr Qureyshi oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada caasimada ah ee Islamabad ayaa xaqiijiyay in Imraan Khan aanu ka qeybgali doonin Shirka hogaamiyeyaasha Islaamka.

Hoggaamiyeyaasha shirkaan ka qeybgaleysa ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan iyadoo sacuudiga uu u arko in madashaan mid lagu abuurayo Isbaheysi ka dhan ah danihiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top