Connect with us

somalilandtoday.com

Hay’adda IMF Oo Ka Hadashay Deyn Cafinta Soomaaliya

focus

Hay’adda IMF Oo Ka Hadashay Deyn Cafinta Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-War ay soo saartay Agaaismaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayeey ku bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo.

Agaasimaha ayaa war-saxaafadeedka soo saartay markii ay ansixisiyeen Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka IMF ee xidhmada maaliyadeed ee Soomaaliya.
“Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo Gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya, qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dedaal ballaaran oo Caalami ah, oo ku saleysan xubnaha kaalmooyinka Lacageed ee ay bixiyaan iyo qoondo laga helayo ilaha gudaha” ayay ku tidhi,Mss, Georgieva, war-saxaafadeedkeeda.

Agaasimaha ayaa sheegtay in ay tani muujineyso muhiimadda ah in Soomaaliya laga caawiyo in ay tallaabbo u qaaddo kusoo noqoshada hannaanka caadiga ah ee xidhiidhka dhaqaalaha Caalamiga iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka, iyadoo loo marayo hal abuurka deyn cafinta Waddamada faqriga ah (HIPC).

“Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh hay’adda Lacagta Adduunka, waxaan dhiirri-galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda ah in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hay’adda Lacagta Adduunka (SMP).

Kristalina Georgieva, ayaa sheegtay in barta go’aan qaadashada hal-abuurka deyn cafiska Waddamada faqriga ah uu billaabanayo qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaha bixiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top