Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Liyuu Boolis Itoobiya Oo Dil Iyo Dhaawac U Geystay Dad Shacab Ah Oo Ku Sugnaa Deegaanka Allay-baday Ee Gobolka Gabilay

focus

Ciidammada Liyuu Boolis Itoobiya Oo Dil Iyo Dhaawac U Geystay Dad Shacab Ah Oo Ku Sugnaa Deegaanka Allay-baday Ee Gobolka Gabilay

(SLT-WWararka ka imaanaya dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa ku warramaya in ciidanka Liyuu Boolis ay halkaasi ka geysteen weerar dhaliyay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidanka Liyuu Boolis ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen deegaanka Allay-baday oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ka so jeeda deegaanada Somaliland isla markaana ay dad shacab ah iskugu dareen dil iyo dhaawac.


Deedaanka oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis ay ku dileen 1-qof iyada oo 2 kalana ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen kadib rasaas ay ku fureen.


Arrintaan ayaa ka dambeeysay sida dadka deegaanku ay sheegayaan khilaaf iyo muran maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa dadka shacabka ah iyo ciidamada Liyuu Boolis.

Qofka rasaastaas ku geeriyooday ayaa meydkiisa waxaa loo qaaday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halka labada ruux ee dhaawacmay la geeyey Isbitaalka deegaanka Allay-baday ee gobolka Gabilay ee Soomaaliland.

Dhowr jeer ayaa la sheegay in ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad degaanku ay dhacdooyin noocan oo kala ah ay kaga geeysteen deegaanadaas ku yaalla xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top