Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Soomaaliya Ka Cafiyay Daymo

focus

Maraykanka Oo Soomaaliya Ka Cafiyay Daymo

(SLT-Washington)-Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ansixiyay miisaaniyad ay ku jirto cafinta deyn lagu leeyahay dalka Soomaaliya.

Qaraar tirsigiisu yahay H.R 1158 ayaa lagu sheegay in lagu ansixiyay qaraarka deynta lagaga cafinayo Soomaaliya.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa waxaa ay war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay soo dhoweyneyso dadaallada deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tidhi Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay.

“Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tidhi Ilhaan.

“Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sannadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xidhiidh diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya.

Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sannad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top