(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira kormeerka sannadlaha ah ee mashruuca JPLG, ayaa maanta kormeer ku tegay, mashaariicda horumarineed ee Dawladda hoose ee Hargeysa ka waddo gudaha Caasimadda Hareysa.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa tegay Iskuulo kala duwan kuwaasi oo Dawladda hoose ee Hargeysa ay wax badan ka qabatay dhanka dhismayaasha iyo qalabaynta, sidoo kalena waxa uu booqday Xarumo caafimaad, kuwaas oo ku yaala Degmooyinka kala duwan ee Caasimadda isla markaana ay Dawladda hoose dhistay kuwo kalena ay dhismayaal ku kordhisay, iyadoo kaashanaysa mashruuca maamul daadejinta ee JPLG, sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kormeerkiisa ku tegay Waddada Xaafada Siinay ee Degmada Axmed Dhagax, taasi oo ay dhawaan Dawladda hoose ee Hargeysa bilowday dhismaheeda wakhtigana meel fiican maraysa.
Ka dib markii uu kormeerkaasi soo dhammaaday waxaa waftiga Madaxweyne ku xigeenku xogwaraysi kula yeesheen maamulka Dawladda hoose isla xarunta Dawladda hoose ee Hargeysa, halkaasi oo lagu eegayey qorshaha wajiga saddexaad ee mashruuca JPLGka ee ay dawladda hoose ku wajihi doonto hannaanka maamul daadejinta.
Isagoo Madaxweyne ku xigeenku hadalkiisa sii wata waxa uu xusay inay Degamda Hargeysa wax badan ka qabatay baahiyaha aasaasiga ah ee waxbarashada waxaana uu yidhi “Iyadoo aan soo marnay dhulkii wax laga qabtay oo maamul daadejintii maanta arrimaha ugu mudan ee kormeerkan uu ka kow yahay oo addeegyadii aasaasiga ahaa ee dadka loo hayey ee dastuurkeenu cadaynayaye in loo dhaadhiciyo , hoos loo daadejiyo oo la gaadhsiiyo dadkii u baahnaa ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashada oo degmadii Hargeysa waxbarashadii runtii tallaabo aad iyo aad weyn iyadoo hal sanno iyo dhawr bilood ku jirta ay qaaday, aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa marka hore maamulka degmada Hargeysa”