Connect with us

somalilandtoday.com

XOG: Taliyihii Hore Ee Ciidamada Sirdoonka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Xidhay Hargeysa

advertise

XOG: Taliyihii Hore Ee Ciidamada Sirdoonka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Xidhay Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Taliyihii hore ee Ciidammada Sirdoonka maamulkii Cabdi Maxamud Cumar (Iley) ayaa lagu xidhey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadibna loo gacan geliyay Maamulka cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mukhtar Sheekh Suubane oo ku jira liiska dadkii la raadinayey ee dambiyada ka geystay deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay inuu ku noolaa magaalada Hargeysa tan iyo markii la xidhey Cabdi Maxamud Cumar Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya.

Mas’uuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Nabad gelyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Mukhtaar Sheekh Suubane oo ku eedaysan in uu galay dambiyo badan oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jidh-dil maxaabiis.

Xukuumadda Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wadahadallo dhowaan ka yeeshay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top