Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Erdogan Oo Ku Hanjabay Inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka Ee Ku Yaalla Dalka Turkiga

focus

Madaxweyne Erdogan Oo Ku Hanjabay Inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka Ee Ku Yaalla Dalka Turkiga

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu albaabada u laabi doono laba saldhig oo millatari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay iney cunnaqabateyn ku soo rogeyso Ankara sabab la xadhiidha hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka.

“Haddii loo baahdo, waan xidheynaa Incirlik, waanna xidhi karnaa Kurecik,” ayuu Erdogan u sheegay telefishinka dowladda taageera ee A Haber. Labadan saldhig ayaa ku yaalla xeebta koonfur-galbeed ee Turkiga ee ku dhow xuduudda dalka Suuriya.

Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed oo kacsan ka dhex aloosanto dalkiisa iyo Washington waxa uu caadiyan soo hadal qaadaa suurtagalnimada in la xidho labadan saldhig.

Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga millatari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa toddobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xidho labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara.

Dowadda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeedhay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. Sharcigan ayaa weli sugaya inuu qalinka ku duugo Madaxweyne Trump.

Xigasho: AFP

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top