Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Diiday In La Xidho Xerada Qaxooti Dhadhaab

focus

Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Diiday In La Xidho Xerada Qaxooti Dhadhaab

(SLT-Nairobi)-Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa diidday qorshe ay wadday Dowladda Kenya oo la xidhiidha in la xidho Xerada ugu weyn Adduunka ee ay qaxooti ku noolyihiin oo ah Dhadhaab.

Maxkamadda oo kiiskan dhegeysatay ayaa sheegtay in dad ka badan 200,000 qof ay ku noolyihiin xeradaas Soomaaliyana ayna ahayn meel lagu celin karo.

John Mativo,oo ah garsooraha bixiyay amarka ka dhanka ah go’aanka dowladda ayaa sheegay in Wasiirka amniga gudaha Kenya oo sameeyay ku tagrifal awoodeed kaddib markii uu amray in xeradaas la xidho.

Garsooraha ayaa ku dooday in amarka Wasiirka amniga gudaha Kenya aan lagala tashan dadka uu khuseeyo sida dadka ku nool Dhadhaab iyo hay’adaha sharciga dalka Kenya.

Mativo, ayaa sidoo kale amarka Wasiirka ee lagu xidhayay Xerada Dhadhaab ku tilmaamay mid takoor ah oo ka hor imanaya xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha waxaana uu ka soo qaaday waxba kama jiraan.

Dowladda Kenya ayaa ku doodday in Xerada Dhadhaab ay noqotay meel ay AL-shabaab ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah dadka Kenyaanka ah sidaas darteedna loo baahanyahay in Xeradaas guud ahaan Albaabada loo laabo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top