Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Dalka Qatar

focus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Dalka Qatar

(SLT-Doha)-Wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa gaadhay Magaalada Doha ee Xarunta Wadanka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay socdaalkiisan Magaalada Doha ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa waxay Caasimadda Qatar kaga qaybgalayan Madasha Doha, oo lagu wado inay ka qaybgalaan madax ka socota dowladaha dunida qaarkood iyo hay’ado caalami ah.

Doha Forum ayaa waxaa sannadkan lagu wadaa in lagaga hadlo arrimaha amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga, waxaana uu socon doonnaa maalmaha Sabtida iyo Axada.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Doha waxaa uu la kulmi doonnaa Madaxda Qatar iyo masuuliyiinta madasha ka qaybgaleysa qaarkood.

Waa safarkiisii afraad oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ku taggo Magaalada Doha, mudada saddexda sano ku dhow ee uu xafiiska jooggo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top