Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Ciidammada Puntland Oo Xalay Boosaaso Lagu Dilay

focus

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Ciidammada Puntland Oo Xalay Boosaaso Lagu Dilay

(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan xalay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland.

Warkan oo ay baahisay Idaacada VOA ayeey Goobjoogayaal u sheeegeen in kooxdii dilka u geysatay sarkaalka markiiba baxsadeen iyadoo ciidamadu ku guuldareysteen inay qabtaan.
Laamaha Amaanka dowlad gobolleedka Puntlanad ayaan wali wax war ah ka soo saarin dilkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

Weerarkan lagu dilay sarkaalka ayaa imanaya xili dhawaan sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ku qaadeen isla toddobaadkan bartamaha magaalada gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyaga oo dilay Labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka la weerarray.

Xaalada Amaanka magaalada Boosaaso ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay u muuqatay mid aan daganeyn iyadoo ay ka dhaceen weerarro is xig xigay oo dhimasho iyo dhaawacba sababay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top