(SLT-London)-Maanta oo khamiis ah, 12 December, sannadka 2019-ka waxaa guud ahaan dalkan Britain subaxnimada looga dareerayaa doorasho nooceeda aan hore loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.
Doorashadani waxey saamayn ballaadhan ku yeelan doontaa jihada mustaqbalka dalka Britain oo kaalinta 6-aad ee dhaqaalaha adduunka ku jirta, saamayn siyaasadeedna ku leh qaaradda Yurub – waliba waxaa intaasi dheer in doorashadan ay ka dhalatay go’aanka reer Britain ee ka bixista Midowga Yurub oo xiisad siyaasad dalka ka buurtay.
Ra’iiusl Wasaaraha Britain Boris Johnson oo hoggaamiya xisbiga muxaafadka ee concervetifka iyo hogaamiyaha xisbiga shaqalaaha ee mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa loolankan xoogiisu uu u dhexeeyaa – labaduba waxaa looga fadhiyaa in ay jahawareerka siyaasadeed ee taagan soo afjaraan, xisbiyada liberal democrat iyo SNP ayaa Iyana kaalin muuqata ku leh doorashadan.
Boris waxaa uu balan qaaday in uu Britain kaga saari doono Midowga Yurub sanad guduhiisa, halka hogaamiyaha Mucaaradka oo Corpyn uu ku tilmaamay balan qaadkaas mid liddi ku ah horumarka dhaqaale ee dalka isla markaana uu balan qaaday in uu afti kale shacabka dib ugu celin doono saddex bilood kadib haddii uu doorashada ku guullaysto.
Horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida waaxda caafimaadka ee NHS, guri la’aanta, isbadalka cimilada, ka hortagga dambiyafda iyo qaar kaloo badan ayaa Iyana kamid ah olalaha iyo hal ku dhigyada doorashada ee axsaabta siyaasadda dalka Britain.
Saadaasha doorashada ayaa muujinaysa in xsibiga Ra’iiusl wasaare Boris uu ku guulaysan doono doorashada 43% halka la saadaalinayo in xisbiga shaqaalah uu helo doono 33% hase yeeshee dhowr jeer oo hore oo la saadaaliyay in xisbiga taladaha haya uu guulaysan doono ayaa isu badashay in labada xisbi ayna heli doonin kuraas ku filan, kuna qasbanaan doonaan in xisbi kale uu dowladda lasoo dhiso.
Dadka dalkan laga tirada badan oo gaadhaya 7.5 milyan oo qof oo isugu jira Soomaalida, dadka bariga yurub, afrika iyo Muslimiintu ay ku jiraan ayaa doorashadan la filayaa in ay xoogoodu u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy corbyn.
Si kastaba ha ahaatee natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo subaxnimada maalinta barito oo jimco ah, mana cadda in cid walba oo guulaysta ay soo afjari karto qalalaasaha siyaasadda ee ka bixista Britain ee Midowga Yurub.