Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Sare Ee Dalka Baxreyn Oo Xukun Adag Ku Riday Shaqsiyaad Maleegayay Kacdoon Dadweyne

focus

Maxkamadda Sare Ee Dalka Baxreyn Oo Xukun Adag Ku Riday Shaqsiyaad Maleegayay Kacdoon Dadweyne

(SLT-Bahrain)-Maxkamadda sare ee dalka Baxreyn ayaa xukun xabsi Daa’in ah ku riday shaqsiyaad loo haysto inay maleegayeen kacdoon ka dhan ah Dowladda.

Xubnaha la Maxkamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah shaqsiyaad u ololeeya xuquuqda aadanaha kuwaasi oo dhaliilay xukuumada boqor Al Khalifah.

Bogga afka carabiga ah wax ku qora ee Bahrain Mirror ayaa tabiyay in eedeysanayaasha la xukumay lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin adeegsiga hub aan sharci aheyn sida Bambaanooyinka Qarxa.

Dhanka kale dowlada Baxreyn ayaa sheegtay in eedeysanayaal kale ay iskaga baxsadeen dalkeeda iyaga oo ka cabsanaya in la Maxkamadeeyo.

Garsoorayaasha Maxkamada ayaa dhanka kale amray in sideeda eedeysane ee la xukumay in ay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 100,000 oo diinaar una dhiganta 265,000 oo doollarka Mareykanka.

Xukunadaan ayaa waxaa canbaareeyay hey’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top