Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Diiday Sii Deynta Muwaadiniin U Dhashay Faransiiska

focus

IRAN Oo Diiday Sii Deynta Muwaadiniin U Dhashay Faransiiska

(SLT-Tehran)-Dowladda Iiraan ayaa diiday faragalinta dalka Faransiiska oo ay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin ficilada Paris.

Qoraal uu ku soo qoray barta Twitter-ka afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda Iiraan Cabaas Mousavi ayuu ka biyo diiday codsiga madaxweyne Emmanuelle Macron, ee la xidhiidhay sii deynta laba maxbuus oo u dhashay Faransiiska.

Waa in ayna ilaaween dowlada Faransiisku in Iiraan ay tahay dal madaxbanaan ayna aqbali doonin in la faragaliyo, ayuu yidhi Mousavi.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii madaxweyne Macron uu ka cadhooday xadhiga ciidanka amniga Iiraan kula kaceen muwaadiniin u dhashay Faransiiska oo uu sheegay in cawaaqib uu ka dhalan doono hadii aan la sii deynin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top