Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Myanmar Oo Difaacday Howl-gallada Ka Dhanka Ah Muslimiinta Rohingya

focus

Hoggaamiyaha Myanmar Oo Difaacday Howl-gallada Ka Dhanka Ah Muslimiinta Rohingya

(SLT-Myanmar)-Raysal Wasaaraha dalka Myanmar Ms An Suu Kyi ayaa difaacday eedaha loo jeedinayo ciidanka Millatariga ee ka dhanka ah xasuuqa shacabka Muslimiinta ah ee Rohingya.

Ms Kyi oo ka soo muuqatay maxkamada sare ee qaramada Midoobay ee magaalada Hague ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay xadgudubka ka dhacay gobolka Rakhine.

Haweeneydaan oo qaadatay bilad sharafeedka nabada ee Nobel Peace oo mudo 30 daqiiqo ah ka hadleysay Maxkamada ayaa intaa raacisay eedahan ay ka dhigeen in xabsi guri ay ku noqoto dalkeeda sannadihii la soo dhaafay.

Dhanka kale waxay tilmaantay in Milatariga ay la dagaalamayeen maleeshiyo hubeysan oo gacan saar la leh kooxaha argagixisada.

Ms Suu Kyi ayaa dhanka kale ku dhaliishay dowlada Gambia oo geysay dacwadan kuna hadleysa afka 57-da dal ee Iskaashiga Islaamka, ay tahay eeda ka timid marin habaabin iyo waxba kama jiraan.

Inkabadan 740,000 oo qowmiyada Muslimiinta ee Rohingya ayaa u barakacay sannadkii 2017-dii wadanka dariska ah ee Bangladesh kadib howlgal Millatari oo ka dhacay gobolka Rakhine.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top