Connect with us

somalilandtoday.com

Shirka Iskaashiga Dalalka Khaliijka Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Sacuudiga Iyo Arrimaha Lagaga Hadlay

focus

Shirka Iskaashiga Dalalka Khaliijka Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Sacuudiga Iyo Arrimaha Lagaga Hadlay

(SLT-Riyadh)-Shirka waddamada Iskaashiga Khaliijka ayaa ku soo dhammaaday magaalada caasimada ah ee Riyaad ee boqortooyada Sacuudiga.

Shirkan oo sida aan hore uga daalacateen wararkeena la filayay in qodobo la xidhiidha khilaafka Qatar iyo wadamada Khaliijka in diirada lagu saaro ayaa laga gaadhin Muuqda.

Amiirka qatar ayaa ka baaqday ka qeybgalka kulankaan, iyadoo uu matalkiisa joogay ra’isul wasaare Cabdulaahi bin Naasir Al-Thaani.

Shirka 40-aad ee Iskaashiga Khaliij-ka oo ay goob-joog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha dalalka Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwait, Baxreyn iyo Cumaan ayaa ugu danbeyn la isku raacay in la xoojiyo midnimada.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis oo shir gudoominayay ayaa sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo iskaashiga Khaliijka.

Dhanka kale wuxuu ku booriyay in si wadajir ah looga shaqeeyo xoojinta dhanka amniga maadaama si loo sugo ilaha dhaqaalaha gaar ahaan dhanka Shidaalka oo wadamadan ay hodan ku Yihiin.

Wasiirka arimaha dibada Sacuudiga feysal bin farxaan Aala Sacuud oo shir Jaraa’id qabtay marka uu kulanka dhammaaday ayaa isna soo dhaweeyay dadaalada uu wado boqorka Baxreyn ee lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Qatar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top