Connect with us

somalilandtoday.com

MUQDISHO: Ciidamada Amaanka Oo 7 Saacadood Kaddib Soo Afjaray Weerarkii Hotel SYL + Tirada Ragga Weerarka Soo Qaaday Iyo Dadka Ku Dhintay

focus

MUQDISHO: Ciidamada Amaanka Oo 7 Saacadood Kaddib Soo Afjaray Weerarkii Hotel SYL + Tirada Ragga Weerarka Soo Qaaday Iyo Dadka Ku Dhintay

(SLT-Muqdisho)-Ciidammada Ammaanka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerar rag hubeysan ay fiidkii hore ku qaadeen Hotelka SYL oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa ka dambeeyay Al-Shabaab oo illaa shan dabley hubeysan ay Hotelka ku galeen qaab lug ah, iyagoo adeegsanaya xeelad ay darbiga Hotelka kaga boodeen, dabadeedna ay toogasho ka bilaabeen gudaha Hotelka.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in abbaarihii 1-dii iyo 35 daqiiqo la dilay ninkii ugu dambeeyay ee dableyda weerarka soo qaaday, waxaana uu boggaadiyay howlgalka Ciidamada Amniga ka wadeen Hotelka ee suura geliyay in saacado gudahood lagu soo afjaro.

Wararka ayaa sheegaya in illaa shan ruux ay ku dhinteen, oo uu ku jiro Garsoore iyo Sarkaal ka tirsanaa Ilaalada Madaxtooyada, sidoo kale waxaa la sheegayaa in dhaawaca tiro kale ay jiraan.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa sababta ay rag hubeysan ay qaab lug ah ku galaan Hotel ammaankiisa aad loo ilaaliyo, kuna dhow Madaxtooyada, iyadoo dhinacyada waddooyinka laga soo galo Hotelkana ay koontarool ku leeyihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Weerarkii xalay ayaa ahaa kii u horreeyay ee Muqdisho ka dhaca muddo bilo ah, oo ay Ciidamada ammaanka si weyn u adkeeyeen ammaanka Caasimadda, waxaase uu weeraradii hore uga duwanaa in Al-Shabaab marka ay weerari jireen hotelada ama dhismayaasha dowladeed ay adeegsan jireen gaadiid laga soo buuxiyo qaraxyo, si ay albaabka uga furtaan, hase ahaatee dableydii xalay weerartay Hotelka ayaa qaab lug ah ku galay Hotelka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top