Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Yurub Oo Ka Arrinsanaya In Falastiin Loo Aqoonsado Dal Madaxbannaan

focus

Midowga Yurub Oo Ka Arrinsanaya In Falastiin Loo Aqoonsado Dal Madaxbannaan

(SLT-Paris)-Wasiirrada arrimaha dibadda Midowga Yurub ayaa la filayaa in bisha soo socota ay ka arrinsadaan fikir ahaan in Falastiin loo aqoonsado dal Madaxbannaan.

Kulanka 28-da dal ee midowga ayaa Imaanaya iyadoo Mareykanka bishii hore uu sheegay in Aqoonsiga Falastiin ay xoojin doonto dhibaatada ka taagan Bariga Dhexe.

Dalalka Ireland iyo Luxembourg oo xubin ka ah Yurub ayaa soo jeediyay in Falastiin loo aqoonsado dal madaxbannaan ka hor kulanka guddiga wasiirrada arrimaha dibadda ee dhici doona 20-ka bisha Jeeniwari ee sannadka soo aadan ee 2020-ka.

Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in Yurub ay go’aan ka gaadhi doonto xaaladda Falastiin.

Mr Borrell ayaa sidoo kale tilmaamay in go’aanka Washington ay ku sharciyeysay dhismaha Israa’iil ka wado daanta Galbeed uu hareer marsan yahay qawaaniinta Caalamiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top