Connect with us

somalilandtoday.com

Algeria Oo Doorashada Ka Hor Xukun Adag Ku Riday Laba Raysal Wasaare Oo Hore

focus

Algeria Oo Doorashada Ka Hor Xukun Adag Ku Riday Laba Raysal Wasaare Oo Hore

(SLT-Aljeeriya)-Maxkamad ku taalla waddanka Aljeeriya ayaa waxa ay xabsi muddo dheer ah ku ridday laba ra’iisul wasaare oo hore xilli uu soconayo baadhitaan ballaaban oo dhinaca musuq maasuqa.

Ahmed Ouyahia ayaa waxaa lagu xukumay 15 sanadood oo xadhig ah halka Abdelmalek Sellal lagu xukumay 12 sanadood oo xadhig ah.

Waxaa lagu eedeeyay inay ku takrifaleen awoodda, taas oo la xidhiidha fadeexad lacago la lunsaday oo salka ku haysa sameynta gawaadhi.

Waxa ay aheyd markii ugu horraysay oo wasiirro hore la maxkamadeeyo tan iyo markii Aljeeriya ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska 1962.

Labada nin ayaa waxa ay xulafo la ahaayeen madaxweynihii mudada dheer dalkaasi maamulayay, Abdelaziz Bouteflika, kaas oo iscasilay bishii Abriil kaddib dibadbaxyo ballaadhan oo maamulkiisa loogaga soo horjeestay.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay sii wadeen inay ku baaqaan in la sameeyo isbadello waa weyn, iyagoo ku eedeeyay hogaamiyayaasha xisbiga haya tallada musuq maasuq baahsan iyo cadaadis ka hor doorashada madaxtinimada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top