Connect with us

somalilandtoday.com

MUQDISHO: Weerar Culus Oo Caawa Lagu Qaaday Hotel SYL Oo Ku Dhow Madaxtooyadda Soomaaliya

focus

MUQDISHO: Weerar Culus Oo Caawa Lagu Qaaday Hotel SYL Oo Ku Dhow Madaxtooyadda Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dabley ka tirsan Al-Shabaab galeen gudaha Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii loogu talagalay isla markaasna ay hadda ciidamadeeda howlgal ka wadaan gudaha Hotel SYL.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo weerarkaas ayaa sheegayo in weli la maqlayo rasaas ay is dhaafsanayaan ciidammada Dowladda iyo kuwa weerarka soo qaaday inkastoo ciidamada Ammaanka ay sheegeen inay toogteen laba kamid dableyda Al-Shabaab.

Hotel SYL ayaa waxaa ka socotay xaflad lagu soo bandhigay Buug, waxaana lasoo sheegayaa in dad badan ay Hotel joogeen marka uu weerarka dhacayey.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top