Connect with us

somalilandtoday.com

Shacabka UK Oo Diyaargarowgii Ugu Dambeeyay Ugu Jira Doorashada Guud

focus

Shacabka UK Oo Diyaargarowgii Ugu Dambeeyay Ugu Jira Doorashada Guud

(SLT-London)-Diyaargarowga doorashada guud ee dalka UK ayaa laga dareemayaa guud ahaan dalkaasi iyadoo maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka bishan ay dhici doonto.

Doorashada oo laga soo hormariyay waqtiga loo asteeyay ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay sidii loo dardar galin lahaa ka bixitaanka UK ee midowga Yurub.

Hoggaamiyaha xisbiga Conservative ka ahna raysal wasaaraha UK Mr Boris Johnson, madaxa ugu weyn xisbiyadda mucaaradka ee shaqaalaha mr Jeremy Corbyn ayaa ah labada nin ee sida weyn ugu loolamaya doorashada.

Codbixiyeyaasha ayaa xulan doono shaqsiya ay doonayaan iyadoo codbixinta ay ka dhici doonto 650 degmo ee dalweynaha Britain.

Xisbiga ku guulaysta ayaa laga doonayaa in uu la yimaado 326 kursi si uu u soo dhiso dowladda xigta.

UK ayaa gashay jahawareer siyaasadeed tan iyo markii shacabka wadankaasi sannadkii 2016-kii ay u coddeeyeen boqolkiiba 52 inay iskaga baxaan Yurub.

Soomaalida ayaa ka mid ah qowmiyadaha ku nool UK ee coddeynaya waxaana jira siyaasiyiin soomaali ah oo qeyb ka ah loolanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top