Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Marti-galinaya Shir Lagaga Hadlayo Xayiraada Saaran Dalka Qatar

focus

Sacuudiga Oo Marti-galinaya Shir Lagaga Hadlayo Xayiraada Saaran Dalka Qatar

(SLT-Riyadh)-Hoggaamiyeyaasha Khaliijka ayaa ku sii qulqulaya magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga iyadoo maalinta Khamiista ah ee 12-ka bishan december uu ka furmi doono shirka 40-aad ee wadamada Iskaashiga Khaliijka.

Kulankaan ayaa waxaa la filayaa in xal lagaga gaadho xiisadda u dhaxeysa dowlada Qatar iyo wadamada kale ee Carabta gaar ahaan Sacuudiga.

Inkasto oo aan la fileyn in muddada halka maalin ah lagu dhawaaqo soo celinta xidhiidhka walaalnimo ee dooxa iyo Riyaad ayaa hadane waxaa suura gal ah in heshiis laga gaadho arrimo badan.

Bishii June ee sannadkii 2017-dii ayaa dalalka Sacuudiga Imaaraadka Baxreyn iyo Masar waxa ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jareen dalka Qatar.

Wadamadan ayaa sidoo kale xayiraad dhanka badda cirka iyo dhulka ku soo rogay xukuumadda Dooxa oo ay ku eedeeyeen faragalinta dalalka dariska iyo maalgalinta kooxaha Argagixisada.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii saraakiil ka tirsan Sacuudiga iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ay yeesheen kulan lagaga hadlayo khilaafka labada dhinac.

Sheikh Al Thani oo ku sugnaa magaalada Rome ayaa rajo ka muujiyay soo celinta xidhiidhka labada Waddan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top