Connect with us

somalilandtoday.com

Qodobada Xil-Ka-Xayuubinta Madaxweyne Trump Oo La Shaaciyey

focus

Qodobada Xil-Ka-Xayuubinta Madaxweyne Trump Oo La Shaaciyey

(SLT-Washington)-Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday laba eedeymo xil-ka-xayuubin oo ka dhan ah madaxweyne Donald Trump.

Dimoqraadiga ayaa waxay madaxweynaha ku eedeeyeen ku xadgudubka awoodda xafiiskiisa iyo is-hortaagga cadaaladda, isaga oo ku cadaadiyey Ukraine inay gacan ka siiso inuu weeraro musharax kula loolami kara doorashada 2020.

Dacwadahan, ayaa haddii ay ansixiyaan xubnaha Aqalka Wakiilada oo u codeynaya toddobaadka xiga, waxay Trump ka dhigi doonaan kaliya madaxweynihii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo, wuxuuna wajihi doonaa in lagu maxkamadeeyo Aqalka Senate-ka.

“Madaxweynaheena wuxuu haystaa kalsoonida ugu dambeysa ee shacabka” waxaa sidaas yidhi Jared Nadler oo madax ka ah guddi hoosaadka garsoorka ee Aqalka Wakiilada.

“Marka uu khiyaamo kalsoonidaas, islamarkaana uu dantiisa ka hormariyo tan dalka, waxa uu halis gelinayaa dastruurka, waxa uu halis gelinayaa dimoqraadiyaddeena, waxa uuna halis gelinayaa Amniga Qaranka.” Ayuu yidhi.

Adam Schiff, oo ah madaxa Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Wakiilada, oo maamulayey baaritaanka ayaa sheegay in “sii wadista ku xadgudubka awoodda” ee Trump ay Dimqoraadiga siisay ikhtiyaar aan ka ahayn tallaabada ay qaadeen.

“Caddeymaha ka dhanka ah hab dhaqanka madaxweynaha waa kuwa aad u badan oo aan la loodin karin” ayuu yidhi.

AFP

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top