Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

focus

Millatariga Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

Saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn ay Millateriga Mareykanka ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.


Weerarka cirka ah ee Isniintii shalay ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa lala beegsaday gaadhi marayay bannaanka degmada Saakow ee Jubadda Dhexe, waxaana lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halka mid kalena lagu dhaawacay, sidaa waxaa u sheegay Wakaalada wararka AP Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo diiday in la aqoonsado, sababo ku aadan in aan loo ogeyn in warbaahinta la hadlaan

Duqeyntan ayaa la sheegay inay kaalin ku lahaayeen Sirdoonka Soomaaliya oo helay xogta Sarkaalka duqeynta lagu dilay.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeynta ka dhacday Saakow, inkasta oo ayna faah-faahin ka bixin.

“Waxaan sii wadi doonaan inaan si dhow ugala shaqeyno Saaxibadeena Soomaaliya, si aan tallaabo uga qaadno sidii aan uga hortagi laheyn Argagixisada doonaya inay waxyeelo u geystaan dadka Soomaaliyeed”ayuu yidhi Brig. Jeneraal Miguel A. Castellanos, oo ah kuxigeenka agaasimaha howlgalada Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo intaa ku daray in aanay jirin qof rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntii u dambeysay ee ka dhacay agagaarka degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top