Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Yurub Oo Loogu Baaqay Inay Aqoonsadaan Madaxbannaanida Falastiin

News

Midowga Yurub Oo Loogu Baaqay Inay Aqoonsadaan Madaxbannaanida Falastiin

(SLT- Luxembourg)-Dowlada Luxembourg ayaa ugu baaqday waddamada xubnaha ka ah midowga Yurub in si rasmi ah dal madax-bannaan ay u aqoonsadaan Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Mr Jean Asselborn, ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii Yurub ay aqoonsan laheyd Falastiin, kadib farriin uu diray madaxa cusub ee dhanka siyaasadda Yurub Mr Josep Borrell.

Mr Asselborn ayaa intaa ku daray in shacabka Falastiin ay xaq u leeyihiin inay helaan madaxbanaani iyo aqoonsi dowladeed.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya kadib go’aan bishii hore xukuumadda Washington ay ku taageertay dhul balaadhsiga cusub ee Israa’iil ka wado daanta Galbeed.

Luxembourg ayaa dhanka kale ka digtay deegaameynta Israa’iil inay sii xoojin karto colaadda ka taagan Bariga dhexe.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top