Connect with us

somalilandtoday.com

Loolanka Jabuuti Iyo Kenya Ee Qaramada Midoobay Oo Meel Xasaasi Ah Maraysa+ Dawladda Itoobiya Oo Shaacisay Cidda Ay Taageereyso

advertise

Loolanka Jabuuti Iyo Kenya Ee Qaramada Midoobay Oo Meel Xasaasi Ah Maraysa+ Dawladda Itoobiya Oo Shaacisay Cidda Ay Taageereyso

(SLT-Nairobi)-Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday cidda ay taageereyso dalalka Kenya iyo Jabuuti oo isku haysta kursi ka mid ah xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem oo arrintan uu wax ka weydiiyey wargeyska The Star ayaa sheegay in si la mid ah Ururka Midowga Afrika ay Itoobiya taageereyso Kenya.

“Itoobiya waa ay ka war-haysaa loolanka Kenya ee kursiga Golaha Ammaanka. Dalkeenu waxa uu mar walba qaadan jiray go’aano ku salaysan mabaadi’, mowqfika Itoobiya waa kan uu qaatay ururka Midowga Afrika [oo taaageeray Kenya].” Ayuu yidhi Meles Alem.

Jabuuti ayaa diiday taageerada ururka Midowga Afrika oo ujeedkeedu ahaa in dhammaan dalalka qaaradda ay hal dal wada taageeraan, waxaana ay sheegtay inay sii wadeyso musharaxnimada iyo loolanka ay kursigan ku raadineyso.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxnimada Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee 15-ka xubnood ee golaha Ammaanka ee QM.

Mowqifkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday dalka Mareykanka oo Jabuuti ay si rasmi ah ugu dhowaaqday ololaha ay ku dooneyso kursigaas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top