Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Turkiga Oo Tarxiishay Maxaabiis Ka Tirsan Daacish

focus

Dowladda Turkiga Oo Tarxiishay Maxaabiis Ka Tirsan Daacish

(SLT-Ankara)-Dowladda Turkiga ayaa tarxiishay 11 muwaadin oo u dhashay Faransiiska kana tirsanaa dagaalyahanada Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda amniga Turkiga Isniintii shalay ayaa lagu xaqiijiyay arintaan inkastoo macluumaad dheeri ah aan lagu darin.

Qorshahaan ayaa qeyb ka ah go’aan bishii hore ka soo baxay dowlada Turkiga oo ahaa in dagaalyahanada shisheeyaha ah ee ku xidhan dalkeeda ay u tarxiili doonto wadamada ay ka soo jeedaan.

Sida laga soo xigtay diblumaasiyiin ka tirsan Turkiga maxaabiista la tarxiilay ayaa ka koobnaa afar dumar ah iyo toddobo carruur ah.

Dumarkaan ayaa waxaa ka mid ah Amandine Le Coz oo ururka Daacish ku biirtay sannadkii 2014-kii.

Tooba Gondal oo iyaduna Faransiis ah kana tagtay UK sannadkii 2015-kii ayaa iyaduna qeyb ka ah maxaabiista laga tarxiilay Turkiga.

Wadamada reer Yurub ayaa hore kala noqday aqoonsiga Muwaadinimo shaqsiyaadka ku biiray Daacish, walow turkiga uu sheegay in aanu heyn doonin maxaabiista Ajnabiga ah ee ka tirsan Daacish.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top