Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasi Kale Oo Sheegay In Hunguri Kaga Jiro Murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE

focus

Siyaasi Kale Oo Sheegay In Hunguri Kaga Jiro Murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE

(SLT-Hargeysa)-Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo kamida Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in uu mar uun isu sharxi doono xilka Guddoomiyaha Xisbigaasi. Muu cayimin wakhtiga rasmiga ah ee uu isu taagayo xilkaasi, balse isagoo ku dabaqaya aqoontiisa iyo xaqa uu u leeyahay qabashada kursigaas waxa uu shaaciyey in aan wax u diidayaa jirin, waxaanu yidhi; “waxa muhiima in nidaamka iyo jaranjarada xisbiga la ilaaliyo.”

“Tartanka xisbiguna maaha mid khilaafa ee waa wax iska caadiya.”ayuu raaciyey hadalkiisa oo ay sidoo kale ku jirtay “shirweynaha Xisbiga in wakhtigiisii la qabtaa waa muhiim oo waan leenahay hala qabto”

Hadal-hayn la xidhiidha murrashaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga ee uu hadda hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmahan aloosantay, kaddib markii uu Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waraysi ku sheegay in uu u tartami doono xilkaasi marka la gaadho Shirweynaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top