Connect with us

somalilandtoday.com

Maayirka Magaalada Nairobi Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagay

focus

Maayirka Magaalada Nairobi Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagay

(SLT-Nairobi)-Guddoomiyaha Nairobi ayaa maxkamadda hortagay maanta isaga oo diiday inuu qirto ilaa 30 eedo dambiyeed ay ku jirto inuu qaatay lacago laaluush.

Guddoomiye Mike Sonko ayaa ah sarkaalkii u danbeeyey ee dowladeed ee lagu soo oogo dacwado la xidhiidha musuq maasuq ee dalka Kenya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka faa’iiday lacago uu si sharci darro ah ku helay oo gaadhaya ilaa 3 milyan iyo badh doolarka Mareykanka ah.

Waxa uu diiday inuu qirto dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyey markii la horkeenay maxkamad qaabilsan la dagaalanka musuq maasuqa ee uu xaakimka ka yahay Douglas Ogoti iyadoo ammaankana ay sugayeen booliska rabshada ka hortaga.

“Waxaad si ula kac ah ku heshay hanti iyo lacago adigoo og iney yihiin kuwo fal danbiyeed ah,” ayuu maxkamadda ka hor sheegay qareenka dowladda. Hase ahaatee, Sonko ayaa ku jawaabay ineysan eedeyntaasi “run ahayn.”

Qareennada dowladda ayaa sidoo kale akhriyey faahfaahinnada akkoonnada bangiyada ee Sonko iyo dhowr mar oo lacago ay kusoo shubeen qandaraasleyaal ku guuleystay tartanka qandaraas ee gobolka uu maamulo.

Sonko ayaa fasaxa todobaadka ku qaatay xabsiga ka dib markii si lama filaan ah looga soo xidhay koonfurta Voi ka dibna loosoo duuliyey xavsi ku yaalla magaalada Nairobi.

Xigasho: AFP

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top