Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadlay Geerida Qoys Ka Kooban Afar Qof Oo Uu Ku Dumay Guri Dhammaantoodna Ku Nafwaayay.

focus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadlay Geerida Qoys Ka Kooban Afar Qof Oo Uu Ku Dumay Guri Dhammaantoodna Ku Nafwaayay.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ah Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye oo ah aabbaha qoyska iyo xaaskiisa Marxuuma Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top