Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Dagaal Oo Mareykanka Lagaga Burburiyay Dalka Liibiya

focus

Diyaarad Dagaal Oo Mareykanka Lagaga Burburiyay Dalka Liibiya

(SLT-Liibiya)-Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad nooca duuliye la’aanta ah ee Drone-ka loo yaqaan lagaga Bururiyay dalka Liibiya.

Washington ayaa ka dalbatay xukuumada Moscow in ay bixiso khasaaraha soo gaadhay 22-dii bishii hore oo diyaaradan dhulka la soo dhigay.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in diyaaradan markii la soo riday ay waday howlo loogu kuurgalayo xaalada Amniga Liibiya.

Taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka Janaraal Stephen Townsend ayaa sabtidii shalay sheegay inay aaminsan yihiin in diyaarada ay soo rideen ciidanka Janaraal Khaliifa Haftar ama kuwa shirkada Millatari Wagner Group ee ka dhinac dagaalamaya.

Janaraal Stephen ayaa intaa raaciyay in Ruushka uu ka gaabsaday Arintaan ayna u sheegeen in ayna waxba ka ogeyn diyaarada laga soo riday.

Wadamada reer galbeedka ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay qeyb ka tahay hurinta colaada iyo falalka amni darro ee ka jira dalka Liibiya.

Wadankan ku yaalla waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka socday dagaalo ahli ah tan iyo markii xilka xoog ay kaga tuureen wadamada NATO madaxweynihii geeriyooday ee Mucamar Al-Qadaafi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top