Connect with us

somalilandtoday.com

Shir Madaxeed NATO Oo Lasoo Gabagabeeyay Iyo War-Murtiyeed Laga Soo Saaray

focus

Shir Madaxeed NATO Oo Lasoo Gabagabeeyay Iyo War-Murtiyeed Laga Soo Saaray

(SLT-London)-Hogaamiyayaasha gaashaanbuurta NATO ayaa soo gaba-gabayey shir madaxeed laba maalmood uga socday duleedka London, waxaana ay soo saareen war-murtiyeed ay ku midaysan yihiin inkastoo la arkayey xiisadda ka dhex aloosan qaar kamid ah hogaamiyayaasha NATO. Shirkan ayaa kusoo beegmaya 70 guuraddii kasoo wareegtay markii la aas aasay isbahaysigan millatari.

Hogaamiyayaasha ayaa ku sheegay warmurtiyeedka ‘si loogu noolaado amni waa in aan si wada jir ah u eegnaa Mustaqbalka wada jirkeena’

Hogaamiyayaashu waxaa ay isla garteen khataraha ka imanaya dalalka China iyo Ruushka, waxaana ay balan qaadeen in ay la imanayaan qorshe xoogan si looga hortago argagixisada.

Ra’iiusl Wasaare Boris Johnson oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in ay horay u socon doonto NATO.

“70 sano ayaan ku soconnaa, waanu ku ad adagnahay go’aankeena Isbahaysiga NATO iyo in aynu nahay awood mid ah oo si wada jir ah u ilaalisa 29-ka dal oo ku dhow hal bliyan oo qof, xaqiiqadu waxaa ay tahay in aan nabad-galyo ku noolnahay maanta, waana arrin muujinaysa ujeedka isbahaysigan, ma jiro qof rajjayn kara in uu na jabiyo, sidaasi daraadeed ma dhici karto in cidina ay na weerarto.

Mabaadiida aasaasiga ah ee ku xusan qodobka shanaad ee Heshiiska NATO waxa uu dhigayaa haddii midkeen la soo weeraro in dhamaanteen difaac aanu diyaar u nahay.” Boris Johnson

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay shir jaraa’id oo uu la qaban lahaa Ra’iiusl Wasaaraha Britain, Boris Johnson kadib markii lasoo gaba gabeeyay shirka NATO. Trump ayaa shirkaasi uga baaqday kadib markii xalay la baahiyay muuqaal Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo xamanaya Trump xilli ay la kulan sanaayeen boqoradda dalka Britain

Trump ayaa arrintaasi ka jawaabay oo yidhi:

“Waa nin labo wajiile ah run ahaantii Trudeau , waa nin wanaagsan sida aan u arko laakiin xaqiiqdu waxaa ay tahay in aan u sheegay in uusan bixinin 2% GDP-ga dalkiisa ee NATO, waxaan qiyaasayaa in arrintaasi uusan ku farxin, waxaa ay haystaan lacag, waana in ay bixiyaan 2% dakhliga”

29-ka dal ee ku bahoobay Isbahaysiga Milatari ee NATO waxa ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin khatarta ka imanaysa Ruushka, Aragagixisanimada , weerarada dhinaca computerada, awooda milatari ee sii kordhaysa ee China yo saameynta ay doonayso in ay dunida ku yeelato iyo qodobo kale.

Iyadoo arrimahani oo dhami ay jiraan waxaa shirka hareeyay hogaamiyayaasha diidan weerarka Turkiga uu ku qaaday Woqooyiga Syria, dhaqaalaha dal walba uu ku bixinayo ciidanka oo inta badan dalalku aanay kasoo dhalaalin iyo hadalkii dhowaan kasoo yeerayay Madaxweynaha Fransiiska Macroon ee uu ku sheegay in NATO ay maskaxda ka dhimatay.

Madaxweynaha Maraykanaka Donald Trump iyo Madaxweynaha Turkiga ayaa siyaabo kala duwan jawaab uga bixiyey hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Macroon.

Dr Kori Schake waa agaasime ku xigeenka machadka caalamiga ah ee barashada Istaraatiijiyadda, waxa ay ka hadlaysaa caqabadaha haysta NATO

“Shirweynahan waxaa uu dhacayaa iyadoo sadex madaxweyne ay dhibaato u dhaxeyso…Madaxweyne Trump, Madaxweyne Macron iyo madaxweye erdogan… Caqabadda hay’adan u dabaaldegeysa sannadguuradii 70-aad ayaa ah in saddexdan madaxweyne aysan hal dhinac wax iskula wadin , sadexdana waxaa muuqata in siyaabo kala duwan ay u wajahayaan caqabadaha taagan.

Xoghayaha guud ee NATO Yen Stoltenburg waa diblomaasi ay dhab ka tahay shaqada, wuxuu xoog badan galinayaa sidii madaxweyne Trump iyo hogaamiyayaasha kale ee NATO ay uga wada shaqeyn lahaayeen amniga dadweyneheena” Dr Kori Schake

Trump waxaa uu sheegay in NATO ay u adeegtay ujeedooyin waa weyn isla mar ahaantaana hadaladii Madaxweyne Macron ay ahaayeen kuwo “aflagaado ah”.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa isagu ku baaqay in hogaamiyayaasha NATO ay dood ka yeeshaan mustqabalka Isbahaysigan Milatari iyo sida loo wanaajin karo xiriir lala yeesho dalka ruushka,

Turkiga oo horey ugu hanjabay in uu ka hor iman doono qorshaha NATO ay ruushka kaga difaacayso dalka Poland iyo dalalka Baltiga la isku yiraahdo ayaa oglaatay in ay sii wado howlgalkeedii.

Angus Lapsley waa la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Britain, waxaa uu u arkaa Turkiga dal ahmiyad weyn u leh NATO inkastoo dalkiisa aanu saaxiib dhow la aheyn Turkiga

“Istiraatiijiyad ahaan Turkigu waa xulufo muhiim u ah NATO..waxaa ay maamulaan cirifka Koonfurta Bari, siyaabo fara badan oo firfircoon ayeyna muhiim ugu tahay siyaasadda gobolka, Aniga waxay ila tahay in xiriirka Britain ee turkiga uu yahay in Britain ay ku doonayso in xiriirkaasi uu noqdo mid mustqbalka fog ah….xiriirka labada dal waligiis ma aanu noqon mid toosan oo marba meel ayuu taagnaa, waxaan mar walbaba hadaan nahay UK si cad uga soo horjeednaa faragalinta Turkiga ee woqooyi-bari ee Siiriya, taas oo ah arrinta keenaysa welwelka faraha badan, hase yeeshee waxaanu aqoonsan nahay in Turkigu uu la tacaalayo dhibaatada qaxootiga Syria, waxaa turkigu ay hayeen 7 ilaa 8-dii sano ee lasoo dhaafay 3 Milyan oo qaxooti Syrian ah, mar walba arrimuhu waxa ay ahaayeen kuwo cakiran laakiin waxaa naga go’an in aan joogtayno oo ku fara adeygno xiriirkaasi.” Angus Lapsley

Madaxweyne Trump ayaa horay ugu eedeeyay hogaamiyayaasha Yurub in ay ku guul-daraysteen in ay gacan ka gaystaan kordhinta qarashka ay NATO ku bixiso arrimaha difaaca, dal walbana uu bixiyo 2% qarashka ku baxa NATO iyadoo la eegayo GDP ama waxsoosaarka dal walba, waxaana uu Trump bartiisa Twitterka ku qoray in dhaqaalaha ku baxa NATO uu gaarsiiyay 130 billion oo doolar tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Gaashaan-buurta NATO ayaa la aas aasay 1949-kii si looga hortago awoodii sii bahaysay ee Soviet Union kadib labadii dagaal ee dunida.

Dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa gaaraya 29 dal, waxaana heshiiska u dhigani uu yahay in ay si wadajir ah ula dagaalamaan cadow walba oo soo weerara, mabaad’ida gaashaan-buurta NATO waxaa kamid ah in weerar lagusoo qaado hal dal oo kamid ah xulfada in loo arkayo weerar lagu qaaday dhamaan dalalka xubnaha ka ah.

Dalalka xubnaha ka ah ayaa balan qaaday in ay bixinayaan 2% si loogu kordhiyo dakhliga ku baxa NATO.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top