Connect with us

somalilandtoday.com

Dalalka Iiraan, Ruushka Iyo Shiinaha Oo Dhoolatus Millatari Sameyn Doona

focus

Dalalka Iiraan, Ruushka Iyo Shiinaha Oo Dhoolatus Millatari Sameyn Doona

(SLT-Iran)-Taliyaha guud ee ciidanka Badda Iiraan Admiral Xuseen Khanzadi ayaa sheegay in Iiraan ay qaban doonto dhoolatus Millatari oo ay kala qeyb qaadanayaan wadamada Ruushka iyo Shiinaha.

Khanzadi ayaa ku dhawaaqay arintaan kadib kulan uu shalay la qaatay taliye ku xigeenka ciidanka Badda Shiinaha Janaraal Shao Yuanming.

Dhoolatuskan oo loogu magac daray ilaalinta Badda ayaa wuxuu dhici doonaa 27-da bishan December.

Labada sarkaal ayaa dhanka kale isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in si wadajir ah ay uga qeyb qaataan sugida Amniga Badda.

Dhoolatuskan hormuudka ay ka tahay Iiraan ayaa ku soo aadaya iyadoo bilihii la soo dhaafay xiisad ka aloosan xeebaha gacanka Khaliijka ay sare u sii kaceysay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top