Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Difaaca Itoobiya Oo Ka Hor-yimid Qorshaha Raysal Wasaare Abiy Ahmed

focus

Wasiirka Difaaca Itoobiya Oo Ka Hor-yimid Qorshaha Raysal Wasaare Abiy Ahmed

(SLT-Addis Ababa)-Go’aanka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku baabi’inayo isbahaysiga haya talada dalka Itoobiya, bilo ka hor doorashada 2020, ayaa waxa uu dhalleeceyn kala kulmay xubno sare oo ka mid ah dowladdiisa.

Wareysi uu siiyey laanta Afaan Oromo ee VOA, ayaa wasiirka gaashaandhigga Lemma Megerssa waxa uu ku sheegay in xasilooni darrada dalka ka jirta ay la macno tahay inay tahay waqti aan habbooneyn in xisbi cusub la abuuro.

“In xisbigan lagu milo kuwo kale ma ahan waqtigeeda, waxaa jira halis badan. Waxaan ku jirnaa xilli kala guur ah.” Ayuu yidhi Lemma.

“Waxaan ku jirnaa waqti aan soo amaahanay, waxaan wajahaynaa dhibaatooyin badan oo dhiancyo kala duwan ka imanaya.”

Lemma ayaa iminka booqasho ku jooga Mareykanka isaga oo la socda wafdi ujeedkiisu yahay inay xoojiyaan xidhiidhka dhanka gaashaandhigga ah ee ka dhaxeeya labada waddan.

Bishii November, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in isbahaysiga talada haya ee EPRDF la baabi’in doono islamarkaana uu noqon doono hal xisbi oo cusub oo lagu magacaabo Prosperity Party.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha isbahaysiga codbixin ku taageereen is-beddelka.

Kowdii December, Abiy ayaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku qabtay xaflad loogu dabaal degayo xisbiga cusub, waxaana uu sheegay “inuu diyaariyey barnaamij cad, sharci iyo qorshaha 10-ka sano ee soo socda kaasi oo Itoobiya ku hoggaamin doona badhaadhe”, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top