Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlada IRAN Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Soo Saartay Sida Laga Yeelayo Dadka Ku Hanti Beelay Dibadbaxyadii Rabshadaha Watay

focus

Dowlada IRAN Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Soo Saartay Sida Laga Yeelayo Dadka Ku Hanti Beelay Dibadbaxyadii Rabshadaha Watay

(SLT-Tehran)-Madaxa cadaalada Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa sheegay in dowlada ay taageeri doonto dhibanayaashii ku hanti beelay dibadbaxyo rabshada wata oo bishii hore gilgilay dalkaasi.

Isaga oo ka hadlayay xarunta Maxkamada Sare ee magaalada Tehraan ayaa wuxuu sheegay in dowlada ay magdhow siin doonto dadka ay waxyaalada soo gaadhay.

Mr Ra’iisi ayaa intaa raaciyay in muwaadiniinta hantidooda la burburiyay ay xaq u leeyihiin in sharci ahaan ay sheegtaan.

Dhanka kale wuxuu ku booriyay waaxyaha dowlada oo ay arintaan quseyso in ay guda galaan sidii dayactir loogu sameyn lahaa dhismayaasha ganacsi ee burburka uu soo gaadhay.

Dibadbaxyada Iiraan bishii hore ka dhacay ayaa yimid kadib markii dowlada ay kordhisay qiimaha Shidaalka taasi oo dhalisay cadhada dadweynaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top