Connect with us

somalilandtoday.com

26 Qof Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Dalka Tunisia

focus

26 Qof Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Dalka Tunisia

(SLT- Tunisia)-26 qof ayaa illaa iyo iminka la xaqiijiyey inay dhinteen kadib markii bas ay saarnaayeen uu kula qallibmay meel dooxo ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Tunisia, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada ee deegaankaas.

Wasiiradda caafimaadka Tunisia ayaa sheegtay in ay 17 qof oo kale ku dhaawacmeeen shilkan ka dhacay deegaankaas buuraleyda ah ee dalxiisayashu ku badan yihiin.

Waa shilkii ugu weynaa ee ka dhaca dalka Tunisia, oo aad wadooyinkiisa loo dhaleeceeyo

Wasiiradda ayaa sheegay in rakaabka baska saarnaa oo dhami ahaayeen dad u dhashay dalkaas.

Baskan oo ka socdaalay magaalada Tunis, ayaa usii jeedey magaalada Ain Draham ee buuraleyda ah oo ku taala dhinaca waqooyi ee magaalada Tunis.

Madaxweyne Kais Saied iyo ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya ayaa booqdey goobta shilku ka dhacay, lama xaqiijin waxa kalifay shilkan goobtana waxa ku sugan baarayaal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top