Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaarihii Dalka Ciraaq Oo Is Casilay

focus

Raysal Wasaarihii Dalka Ciraaq Oo Is Casilay

(SLT-Ciraaq)-Ra’iisul Wasaarihii dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Caadil ayaa waxaa lagu shaaciyay inuu xilkii iska Casilay, kadib todobaadyo Ciraaq ay dhaceen Dibad-baxyo rabshado watay.

Sidoo kale is casilaada Caadil ayaa timid, kadib markii wadaadka shiicada Ciraaq uu si kulul u Cambaareeray in awood loo adeegsaday Dibad-baxayaal Careysan oo kasoo horjeeday Xukuumadii Caadil.

Ugu yaraan 400 qof ayaa ku geeriyootay Dibad-baxyadii dalka Ciraaq ka socday tan iyo Bishii Octoober ee sanadkan 2019.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top