Connect with us

somalilandtoday.com

SUUDAAN Oo Ku Guulaysatay Xil Ay Isku haysteen Dalalka Jabuuti Iyo Kenya

focus

SUUDAAN Oo Ku Guulaysatay Xil Ay Isku haysteen Dalalka Jabuuti Iyo Kenya

Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Shir Madaxeedkii Caadiga ahaa ee 13-aad ee madaxda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan oo laba maalmood socday ayaa dib u habeyn lagu sameeyay hogaanka Ururka, iyadoo gudoomiyaha cusub ee IGAD loo doortay Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka  Suudaan.

Mr. Xamduuk ayaa ka hor intii uusan Ra’isul Wasaare ka noqon Sudan xubin ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

IGAD ayaa sidoo kale Xoghayaheeda cusub u dooratay Workneh Gebeyehu, oo u dhashay dalka Ethiopia, oo uu dhawaan magacaabay Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo hayay xilka madaxa IGAD.

Xlika Gudoomiyenimada IGAD ayaa waxaa dhawaanahan isku heystay dalalka Djibouti iyo Kenya, oo sidan oo kale isugu qabtay murashaxnimada kursiga Midowga Africa uu ku leeyahay Golaha Amaanka ee Qarmaada Midoobay, oo Markii dambe ururku uu u codeeyay Kenya, in kastoo Djibouti ay ku dooday in nidaam haboon aan loo marin.

Kullankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee shir madaxeedka caadiga ah ee wadamada IGAD ay yeeshaan muddo 10 sanadood ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top