Loolan Adag Oo Ka Dhashay Boos Tartan Loo Gelayay Dalada Sonyo.
Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ka mid ah ururrada Bulashada Rayidka ah ee Somaliland waxa dhawaan ka bannaanaaday jagada xilka Agaasimaha Fulinta, waxaana sidii caadiga ahayd ay dalladdu naadisay cid kasta oo danaynaysa buuxinta booskaasi.
Sida ku cad bayaan ay dalladdu soo saartay waxa booskan bannaanaaday soo codsaday ku dhawaad 150 qof oo dhallinyaro ah waxaana ugu dambayn imtixaanka u fadhiistay xubnihii ku soo baxay short List-ga.
Sida uu dhigayo sharciga shaqaale-qorista ee dalladdu waxa imtixaanka shaqaalaha la doonayo qaada koox isugu jirta xubno ka socda BOD-ka SONYO, sarkaal ka tirsan wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada iyo xubno kale, taasoo keenta in SONYO lagu majeerto ururrada dalka ee sida caddaalada ah loogu soo baxo shaqo-qoristeeeda waligeedna aan hore loogu arag wax muran ah iyo is qabsi toona.
Afar xubnood ayaa ugu dambayn isugu soo hadhay imtixaan afeedkii ugu dambeeyey (Interview) waxaanay kala ahaayeen Cabdixamiid Maxamed Cumar, Sharmaarke Ismaaciil Idiris, Cabdalle Quulle Xasan iyo Saxardiid Maxamed Cismaan. Waxaana dhibco sare ku soo baxay oo mansabkan ku guulaystayCabdixamiid Maxamed Cumar.
Markii uu muwaadinkaasi lagu magacaabo Cabdixamiid ku guulaystay jagada loo tartamay waxa sidii sharciga ahayd ku dhawaaqay oo soo saaray kooxdii Imtixaanka qaaday, waxaanay Wasaaradda Shaqo-galinta oo qayb ka ahayd guddida imtixaanka qaadday ay soo saareen Bishan 22-keedii qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mudane Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan. Warqaddaasi oo uu ku socodsiiyay Guddoomiyaha SONYO, Cabdixamiid Maxamed Cumar (Ninka Shaqada ku guulaystay), Golaha sare ee SONYO, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirka Shaqo-galinta A/Bulshada iyo Qoyska. Warqadddaasi oo Agaasimuhu ku caddeeyey Shaacinta Guulaystaha Xilka Agaasimaha SONYO
Gudoomiyaha Dalada dhalinyarada ee somaliland ayaa warqad uu ku sheegayo in imitixaanka lagu kala guulaystay soo saaray wuxuuna sheegay in agaasimaha fulinta ee dalada dhalinyarada ee sonya loo doortay cabdixamiid M. Omar
Ku Dhawaaqista agaasimaha cusub ee dalada dhalinyarada sonyo ayaa waxa warqad ka soo saaray wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland taas oo uu ku sheegayo in dib loo dhigo tartanka lagu shaaciyay agaasimaha fulinta dalada sonyo isla markaana aanay iyagu ogalayn waxaana taasi muujisay in wasiirka dabada laga riixayo isla markaana dhanka xukuumada cadaadis lagaga waddo
Wasiirka Ciyaaraha oo shaqadii dhalinyarta la fadhiistay ayaa waxa uu soo dhex-galay tartanka xalaasha ah ee dalada ka dhex dhacay taasna waxa sababay masuuliyiin madaxtooyada ka socday oo laga guulaystay isla markaana watay masuulka guulaystay kii ku xigay taas oo sababtay in dhanka wasiirka ciyaaraha laga soo wareego
Wasiirka ciyaaraha ayaa warqada diidista soo saaray 26.11.2019 taas oo ka hor imanaysa xiligii wasaarada shaqo gelinta qoyska iyo arrimaha bulshada ogaysiinta siisay 22.11.2019
Ugu danbayn gudoomiyaha dalada sonyo ayaa wasiirka ciyaaraha ka soo daba saaray warqad sheegaysa in imitixaankii loogu tartamayay agaasimaha fulinta dalada sonyo lagu guulaystay isla markaana aan wax hada hadhay jirin agaasimaha fulinta ee dalada dhalinyarada ee sonyo uu yahay Cabdixamiid M. Omar.