Connect with us

somalilandtoday.com

Muwaadin Falastiini Ah Oo Ku Dhintay Xabsi Ku Yaalla Gudaha Israa’iil

focus

Muwaadin Falastiini Ah Oo Ku Dhintay Xabsi Ku Yaalla Gudaha Israa’iil

(SLT- Tell Aviv)-Muwaadin Falastiini ah oo qabay cudurka Cancer-ka ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla wadanka Israa’iil sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka amniga Salaasadii Shalay.

Ehelada Saami Abuu Diyaakh ayaa ku eedeyay xukuumada Tell Aviv in ay dayacday xaalada caafimaad ee wiilkooda taasi oo keentay inuu u dhinto cudurka hayay.

Geerida muwaadinka reer Falastiin ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidanka Amniga Israa’iil iyo garabyada hubeysan ay ka taagan tahay dhulka Israa’iil ay sida sharci darrada ah ku dhisaneyso.

Dhanka kale markii la shaaciyay in uu dhintay Saami Abuu Diyaakh ayaa dibadbaxyo xooggan galinka danbe ee shalay ay ruxeen daanta galbeed.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dhowr qof oo falastiini ah oo u badnaa rayid ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka gaysteen daanta galbeed iyo magaalada Gaza.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top