Connect with us

somalilandtoday.com

Dalalka Jaamacadda Carabta Oo Cambaareeyay Go’aanka Mareykanka Uu Ku Taageeray Dhismaha Israa’iil Ka Wado Dhulka Falastiin

focus

Dalalka Jaamacadda Carabta Oo Cambaareeyay Go’aanka Mareykanka Uu Ku Taageeray Dhismaha Israa’iil Ka Wado Dhulka Falastiin

(SLT-Riyadh)-Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Jaamacada Carabta ayaa diiday go’aanka dowlada Mareykanka ku taageertay dhismaha sharci darrada ah ee Israel ka wado daanta Galbeed iyo dhulka Falastiin.

War saxafadeed ka soo baxay kadib kulan dag dag ah oo wasiirada arimaha dibada Jaamacada Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira ayaa lagu sheegay in go’aanka uu caqabad ku yahay dadaalada nabada ee Bariga Dhexe.

Diblumaasiyiinta wadamada carbeed ayaa dhanka kale sheegay in go’aankan aan loo marin wax sharci ah xadgudubna uu ku yahay qaraarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.

Wasiirada arimaha dibadda wadamada Jaamacada Carabta ayaa dhanka kale cambaareeyn iyo diidmo isugu daray go,aanka Mareykanka.

Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa 18-kii bishan November sheegay in aysan jirin wax diidaya dhismaha dowlada Israel ka wado daanta Galbeed iyo dhulka Falastiin.

Mr Pompeo ayaa intaa raaciyay talaabada ay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ay sanadkii 1978-dii ku diiday dhismaha Israel ee daanta galbeed in ay tahay mid aan caqliga ka Tarjumeyn.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top