Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Iyo Qatar Oo Ka Wadahadlaya Xiisadda Dalalka Khaliijka

focus

Turkiga Iyo Qatar Oo Ka Wadahadlaya Xiisadda Dalalka Khaliijka

(SLT-Dooxa)-Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyib Erdogan ayaa u safray magaalada Dooxa iyadoo la filayo in Isniinta maanta ah, waxaana kulan lagaga hadlayo arrimaha gobolka iyo xidhiidhka labada wadan uu la qaadan doonaa boqorka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Xukuumaha Ankara iyo Dooxa ayaa waxaa ka dhaxeeya xidhiidh adag iyadoo marka marka ka danbeysa uu sii Xoogeysanayo.

Wadamadan ayaa dhanka kale ka mideysan siyaasada Falastiin iyagoo si kulul u dhaleeceyay afganbiga ciidanka Amniga Masar ay sanadkii 2013-kii xilka kaga tuureen madaxweynihii shacabka ay soo doorteen ee Maxamed Mursi.

Sannadkii 2017-dii ayay aheyd markii wadamada Masar Sacuudiga iyo Imaaraadka ay isku dayeen afganbi fashilmay oo ka dhan ah dowlada Qatar iyadoo tan iyo wixii markaa ka danbeeyay uu Turkiga ciidan xoogan u diray magaalada Dooxa.

Amiirka Qatar ayaa dhankiisa si kulul u canbaareeyay afganbigii fashilmay ee dabayaaqadii sannadkii 2016-kii la doonayay in xilka lagaga tuuro dowlada Turkiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top