Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Albaabka Ka Xidhay Somaliland +Warbaahinta Itoobiya Oo Ka Hadashay

focus

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Albaabka Ka Xidhay Somaliland +Warbaahinta Itoobiya Oo Ka Hadashay

(SLT-Hargeysa)-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa ku warramaya in masuuliyiin xukuumadda madaxweyne Biixi ka tirsan u sheegeen in ay ka walaacsan yihiin siyaasadda ra’isal wasaaraha Itoobiya Mr Abiy Axmed ee ku salaysan gobolka.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa aamminsan in Abiy Axmed la saftay xukuumadda Muqdisho, islamarkaana uu hoos u dhacay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya ee wakhtiga dheer ku salaysna danaha labada dal.

Cabdinaasir Axmed Xirsi agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa wargeyska u sheegay in xukuumadda Somaliland dareen taban ka qabto isbedellada Abiy Axmed sameeyay ee uu ka mid yahay heshiiska Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee laga reebay Somaliland “Heshiiska saddex geesoodka ah waa laga reebay Somaliland laakiin, waanu rumaysan nahay xidhiidhkii xooggana ee Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi.

La taliye ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sii xoojiyay walaaca Somaliland waxaanu tilmaamay in ay muuqato in Itoobiya hoos u dhigtay danaheeda Somaliland, tusaale ahaan ilaa September Itoobiya ma soo magacaabin danjiraheedii Hargeysa ee bedeli lahaa wakiilkii hore ee hawlgabay.

Masuuliyiinta Somaliland u hadlay oo ay ka mid yihiin Maxamed Xaaji Maxamuud oo wasaaradda arrimaha dibadda la taliye u ah iyo Maxamed Barawani oo ku xeeldheer xidhiidhka arrimaha dibadda ayaa sheegay in ay si dhaw ula socodaan isbedellada Itoobiya gaar ahaana siyaasadda arrimaha dibadda ee gobolka ku wajahan.

Waxa kale oo walaaca Somaliland ka mid ah in uu hoos u dhacay xidhiidhka wada shaqayneed ee dhanka ammaanka gaar ahaana wada shaqaynta amniga xuduudka.

https://www.thereporterethiopia.com/article/somaliland-expresses-concerns-over-ethiopias-regional-policy

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top