Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Puntland Oo Imaaraadka Ugu Baxay Safar La Xidhiidha Qandaraaska La Isku Haysto

focus

Madaxweynaha Puntland Oo Imaaraadka Ugu Baxay Safar La Xidhiidha Qandaraaska La Isku Haysto

(SLT-Dubai)-Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa safar uu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo marka hore ku horeeyay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aan hore loo qorsheyn, isla markaasna ayna sharaxaad ka bixin madaxtooyada Puntland, ayaa waxaa ujeedkiisa yahay sidii uu mas’uuliyiinta Imaraadka Carabta ugu qancin lahaa in ay sii wadaan qandaraaska Shirkadda PDG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Khilaaf ba’an oo soo kala dhex-galay saamileydii ku midaysnaa shirkadda PDG ayaa keenay inay istaago taakuleyntii Imaaraadka Carabta siin jiray ciidamada MPPF, oo socotay muddo ku dhow 10 sanno.

Lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa istaagay oo khal-khal ku yimaaday howlihii shirkadda, waxayna taas keentay inay Imaaraadka Carabta joojiyaan taakuleyntii ay siin jireen Shirkadda PDG.

Khilaafka ka taagan qadanraaskaan ayaa cirka isku sii shareeray markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo garab ka helayo Maleeshiyo Beeled hubeysan ay gudaha usoo galeen Magaalada Boosaaso iyagoo ka gadoodsan khilaafka u dhaxeeyo saamileyda Shirkadda PDG.

Qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo madaxweyne Deni ayaa la xaqiijiyay in ay soo af-jareen khilaafkii u dhexeeyay Saamileeyda shirkadda PDG, islamarkaana uu madaxweynuhu ballan-qaaday in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qancin doono, in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF.

Heshiiskaas ayaa keenay safarka Madaxweyne Deni uu ku aaday Imaaraadka Carabta, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inay imaaraadka aqbali doonaan codsigiisa ah in dib loo soo celiyo taakuleyntii la siin jiray Shirkadd PDG.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top