Connect with us

somalilandtoday.com

WAR DEGDEG AH: Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Maxkamad La Keenay

focus

WAR DEGDEG AH: Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Maxkamad La Keenay

(SLT-Hargeysa)-Shantii iyo badhkii waaberigii axadda maanta ee 24-ka Noofambar ayaa Xabsiga Mandheera ee gobalka Saaxil laga soo qaaday Xoghayaha Guud iyo afhayeenka Xisbiga WADDANI ee Somaliland.

Masuuliyiintan ayaa abaaro toddobadii subaxnimo la keenay maxkamadda Hargeysa, waxa aanay baadhayaashu garsooraha ka codsadeen in waqti dheeraad ah loo siiyo ogolaanshiyo xabsi ku sii hayn ah (Rummaan), taas oo ay wararku sheegayaan in garsooruhu u ogolaaday in ay afar maalmood sii hayaan si ay u soo dhammaystiraan baadhista.

7:50 subaxnimo, ayaa maxkamadda laga kaxeeyey masuuliyiintan oo wararka qaar ay sheegayaan in dib loogu celiyey Xabsiga Mandheera.

Ammaanka maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana labada maxbuus la socday ciidamo aad u tiro badan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top